Qabiil Mise Qabyaalad????
- Dec 30, 2017
- 1 min read
waa maxay kala duwanaanshaha ama faraqa u dhexeeya qabiilka iyo qabyaalada?.
QABIIL Qabiilku waa halka uu Alle SWT inaga dhaliyay ama aynu ka soo jeedno, oo qafwalba oo inaga mid ahi waxa uu ka soo jeedaa qabii ama reer, waxana aynu wada ognahay in aanu qofna dooran cida uu yahay balse uu Allah SWT kabdhigay cida uu yahay, qof inaga mid ahina ma uu ogayn halka iyo cida uu ka dhalandoono ama uu noqonayo balse waxa ay ku timiday amarka Alle, waxana la inoogu sameeyay in aynu isku garano sida qoys, ehel, caailo, qaraabo iwl.
QABYAALAD qabyaaladu waxa ay ka timaadaa qabiilka, taasi oo ay sabab u tahay tiiyoo qabiilka loo isticmaalo ama loogu dhaqmo si kaduwan sidii ay ahayd oo noqonaysa in la isku kala dhawaysto, la isku kala xeeriyo, la isku kalasaaro, la isku cunsuriyadeeyo, la islu kala qaadqaado, la isku kala faquuqo, la isku kala quudhsado, la iskugu xad gudbo, la isku dagaalo, qolo qolo iyo qabiilo arintani waa qabyaalada waana ta dadka kala fogaysa xumaanta iyo nacaybka dhexdhigta, waa waxyaabaha ragaadiya hutumarka iyo koritaanka qaranka sidoo kale waxa ay baabisaa ama ay bayhoofisaa qaramada ama wadamada waa wayn ee horumaray.
MAAXAA INALA GUDBOON Waxa inala gudboon oo waajib inagu ah in aynaan ku dhaqmin qabyaalada oo aynu wada garanano nacfidarada ay leedahay, balse aynu noqono halmid dalkeenan korayana aynu ku waraabino qaranimo, si aynu u noqono umad dhisan oo isku filan dhinacwalba. balanteenu waa qaranimo. Mahadsanid.
Mohamed A Elmi @ SOYACO Organization





Comments